U bood dhigaalka

Dowladda Federalka oo Sheegtay Iney Ka Go’antahay Xalinta Tabashooyinka Puntland

Sheeko:Dalka

Xilli muddooyinkii dambe uu taagnaa khilaaf dhanka siyaasadda ah ee u dhaxeeyay dowladda federalka ah iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa dowladdu waxaa ay sheegtayka go’an tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka jira wax walbana loogu dhameyn lahaa wadahadal lagu soo afjayo isfahamwaa siyaasadeed ee jira labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowlad goboleedka Puntland Puntland door muhiim ah ay kaga jirto dowlad goboleedyada dalka, isaga oo xusay in la xalinayo tabashooyinka jira ee u dhaxeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedka.

“Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay doorka Puntland ee dowladda  iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe waxaa uu ku qotomaa arrimo dhowr ah, kuwaas oo Puntland aysan heshiiska Watashiga qaran aysan qeyb uga noqon, sida ( Qaab federaaleynta dal, mideynta canshuuraha, iyo arrimaha la xiriira amniga qaranka dhameystirka iyo dib u eegista Dastuurka dalka).

“In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhowaan shirka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxaa aaan ka qeyb galin madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillahi Deni, waxaana shirkaas lagu gaaray heshiisyo dhowr ah oo dhinacyadu ay heshiis ka gaaraan, iyadoo guddi loo saaray xalinta Puntland.

Goobjoog News