U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay In Al Shabaab Ay Ka Furteen Xoolo

Sheeko:Dalka

Ciidanka xoogga dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in xoolo nool ay howlgalkaasi kaga furteen dagaalyahanada Al shabaab.

Howlgalka oo si gaara uga dhacay deegaanka Muuse-geel ayaa ciidanka dowladda waxa ay sheegeen in Al shabaab ay ka furteen 400 oo neef oo Ari ah, iyaga oo tilmaamay in xoolahaas Al shabaab ay ka dhaceen dadka deegaanka sida lagu baahiyay warbaahinta qaranka.

Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda waxa ay carabaabeen in xoolahaasi ay dib ugu celin doonaan dadkii lahaa.

Al shabaab wali wax jawaaba ma aysan ka bixin xoolahan ay dowladdu sheegtay in ay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan kaga furteen dagaalamayaasha Al shabaab.

Al shabaab ayaa deegaanada ay dalka uga suganyihiin waxa ay dadka ka qaadaan waxa ay ugu yeeraan Sakawaad.

Goobjoog News