U bood dhigaalka

Dowladda oo War Ka Soo Saartay Salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda Cabsi Laga Qabo COVID-19 Dartii

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay amarro ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga.

Wasiirka wasaaradaasi Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay la yeeshey Culimaa’udiinka Soomaaliya,kulankaasi oo laga soo saaray amaro cusub.

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku oogaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii,si looga hortago fiditaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay,waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay u turaan shacabka oo qiimaha miciishada hoos loo dhigo,waxaa la rabaa in dadka aan naftooda khatar gelinin,maadaama uu faafayo cudurka,hana la qaato talooyinka caafimaad ee dowladda ay soo saartay”. ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga diiwaan galiyay kiisas kor u dhaafaya 300 oo COVID-19 ah sida ay baahisay wasaaradda caafimaadka.

Goobjoog News