U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrak oo Gaaray Heshiis Hordhac ah

Sheeko:Dalka

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wada shaqeeynta Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heshiiskan oo dhinaca dowladda ay u saxiixday Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac waxaana goob joog ka ahaa Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceliyay labada dhinac. Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow 2 sanno ayaa  si wadajir ah la isugu af gartay.

Dhanka kale Turkiga waxaa u saxiixay Mr. Ahmet Albayrak oo ah milkiilaha shirkadda Albayrak, waxaana la filayaa in heshiiskan si rasmi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac. ku wada saxiixaan magaalada Muqdisho.

Goobjoog News