U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dalab u Dirtay Jaamacadda Carabta

Sheeko:Dalka

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa hadal ka jeediyay kulanka wadatashiga ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo maanta oo Sabti ah ka furmay Caasimadda Lubnaan ee Beyruut ,

Khudbaddiisa ayuu inta badan waxaa uu uga hadlay xaaladda guud ee abaaraha jira guud ahaan dalka, isagoo diiradda ku saarray khudbaddiisa xaaladda bani’aadannimo, siyaasadeed amni ee Soomaaliya iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee taaggan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa hoggaaminayay Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka Wadatashiga oo looga dooday gogol-xaarka Shir Madaxeedka Carbeed ee la filayo inuu ku qabsoomo dalka Aljeeriya horaanta bisha November, ee sanadkaan

Waxaana wafdigiisa ka mid ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan la tacaalidda xaaladda abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Abuubakar.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa ergayga arrimaha Abaaraha  u qaabilsan madaxweynaha jamhuuriyadda federalka, waxaana uu dhankiisa shirka gaarsiiyay sida wadamada Carbeed looga baahan yihiin in ay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka abaartu saamaysay,kuwaas oo laga cabsi qabo in ay isku badasho macluul.

Goobjoog News