U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Digniin Adag U Jeedisay Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Cali Xasan ayaa waxa uu digniin adag u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed isaga oo uga digay inay kordhiyaan qiimaha maciishadda inta lagu guda jiro xaaladaha adag sida cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Cabdulaahi Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii isku dayda inay faa’iido ka raadiso maciishada inta lagu guda jiro xaaladaha adag maadaama dhowaan ganacsatada loo sameeyay qiima dhimis iyo canshuur dhaaf badeecadaha qaar.

Dhanka kale wasiirka ayaa ganacsatada u sheegay in looga baahan yahay in xilligaan oo kale ay u turaan shacabkooda islmarkaana ay garab istaagaan dadkooda maadaama dalka uu wajahayo xaalad aad u adag oo ku aaddan COVID-19, isaga oo sidoo kale ganacsatada ku booriyay inay xoogga saaraan maal gashiga wax soo ssarka dalkooda.

Wasaaradda maaliyadda ayaa kal hore ka dhawaajisay qiima dhimis iyo canshuur dhaaf badeecadaha qaar ah iyada oo sheegtay in badeecadaha qaar canshuurtii laga dhaafay 100% halka qaarka kalane laga dhaafay 50%.

Goobjoog News