U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Shirtay Qorshe Lagu Soo Celinayo Muwaadiniinta Ku Xayiran Caalamka

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka shirtay qorshe la doonayo in lagu soo celiyo muwaadiniinta ku xayiran caalamka ee uu go’doonka galshay xanuunka Coronavirus oo adduunka saameyn adag ku yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa guddoomiyey shirkan oo uu la yeeshay guddiga ka hortagga COVID-19,waxaana looga ahdlay qoodbo dhowr ah.

Waxyaabaha Shirka  looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dalka dibadiisa ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka loogana feejigan yahay Cudurka Coronavirus.

Shirkaan ayay Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19  habeen walba ku yeeshaan  habka muqaalka ah (vedio Conference) waxaana intabadan layskaga xogwareystaa waxybaaha kusoo kordhay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurkaan karoona iyo sidoo loo xakameyn lahaa

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaana ugu dambeyay Guddiga kula dardaarmay dardar gelinta howlaha ay bulshada u hayaan kana Shaqeeyaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku xiyiran dalka loogu soo celin lahaa.

Goobjoog News