U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Qalab Caafimaad Geysay Magaalada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus.

Wafdiga oo ay garoonka dhuusamareeb kuso dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa inta ay magaalada joogaan waxey booqan doonaan isbitaalo gaar ah oo maamulka Galmudug uu u diyaariyay in lagu karantiilo  dadka uu so rito caabuqaa Covid 19.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u bixisay amar ah in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir la gaarsiiyo agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus.

Goobjoog News