U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Sagootisay Dufcaddii 1-aad Ee Xujeyda Sanadkaan

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur  Maxamed Xassan, ayaa Shalay Galab  sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaa.

Sheekh Nuur, ayaa Alle ugu mahadceliyay sida ay howsha ugu fududaatay, wuxuuna intaa raaciyay in Magaalada Makka ay Xujeyda Soomaaliyeed uga sii hor mariyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo ka saacidi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin.

“Waxaan daahfurnay nidaamka Fiiso bixinta Xajka annaga oo sagootinnay dufcadii 1-aad ee xujayda Sanadkan 1440/ 2019” ,ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Xildhibaan ; Sheikh Nuur  Maxamed Xassan .

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhamaan shirkadaha duulimaadyada ee sanadkaan ku guuleystay in ay qaadaan Xujeyda dalka.

Goobjoog News