U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Qiima Kororka Shidaalka

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qiimo kororka ku yimid Shidaalka nuucyadiisa kala duwan, kaas oo bilihii ugu dambeeyey laga dareemayaey, waxaana wadayaasha gaadiidku ay ka cabanayeen sare kaca ku yimid Shidaalka, waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda Bartoolka xukuumadda Soomaaliya baaq loogu diray ganacsatada dalka keenta Shidaalka.

Shidaalka gaar ahaan nuuca  Baansiinka oo loogu isticmaal badan yahay dhanka gadiidka ayaa waxaa uu gaaray heerkii ugu saraysay, waxaana qiima ahaan uu suuqa ka marayaa lacag ka badan 1.3$, waxaana sidoo sare kac laga dareemayaa Naaftada waxaana suuqyada qiima ahaan hadda la kala iibsanayaa liiterkii 0.95$, waana markii ugu horaysay uu gaaro heerkaan.

Goobjoog News