U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya, UK iyo Mareykanka oo Kawada Hadlay Arrimaha Abaaraha

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Md. Larry E. Andre iyo Marwo Kate Foster.

Ergeyga, ayaa safiiradda la wadaagay marxaladda abaaraha baahsan ee dalka ka jira oo ay ugu dambeeyeen xaaladaha qallafsan ee uu ku soo arkay degaannada uu socdaalka ku tagay. Sidoo kale, wuxuu danjirayaasha ka dhageystay halka ay marayaan dadaallada safaaraduhu wadaan ee lagu garab istaagayo dadka abaaruhu saaameeyeen.

Safiirka Maraykanka Larry Andre ayaa Egeyga faahfaahin ka siiyey sida hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka la shaqeeya loogu kala qoondeeyay, hab-maamulka deeq dheeraad ah oo gaareysa $476 milyan oo Mareykanku dhawaan ku kordhiyay tirada lacagta guud ee uu ugu deeqay Soomaaliya sanadkaan.

Ergeyga Ayaa yiri : “ waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka deeqda iyo dadalka is barbar socda oo ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, oo ay garagaarka iyo garab istaagga dadka wax-yeeshay abaaurtu xoojiyaan” Ayuu yiri  Cabdiraxmaan .

Ergeygu wuxuu dhinacyada kala hadlay sidii diiradda loo saari lahaa in indhaha caalamka lagu soo jeediyo abaarta daran ee ka taagan gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, inta lagu guda jiro shirka heerkiisu sarreeyo ah ee looga hadlayo gurmadka abaaraha ee ka dhacaya Qaramada Midoobay.

Goobjoog News