U bood dhigaalka

Dowladda Sucuudiga Oo Deeq Raashin ah Ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Suciidiga ayaa maanta dowladda Soomaaliya waxaa ay ku wareejisay deeq loogu talogalay dadka Abaaraysan, waxaana dowladda Soomalaiya deeqda u guddoomay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka  Mahdi Maxamed Guuleed, kadib munaasab kooban oo ka dhacday magalada Muqdish, deeqda ayaa waxaa ay gaaraysaa 3-kun oo tan raashiin kala duwan.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socday guddiga abaaraha iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana dowladda Suciidiga ay noqotay dowladdii labaad ee Carbeed kadib Dowladda Imaaraadka dhowr jeer keentay deeqo kala duwan.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’ideysan doona ku dhawaad 300,000 oo qof oo ah dadka ay abaarahu saameeyeen, waxaa ka mahadceliyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ku bogaadiyay dowladda Sacuudiga kaalmada balaaran ee la garab tagan tahay Soomaaliya oo xiligaan wajahaysa abaar baahsan oo ku dhufatay.

Goobjoog News