Dr Cabdulqaadir Boolaay Oo Maanta Ku Geeriyooday  Dalka Ingiriiska

Allaha u naxriistee Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa maanta waxa uu ku grriyooday isbitaal ku yalla magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska.

Marxuumka geeriyooday ayaa horey uga soo mid noqday ururkii gobanimo u dirirka ee la oran jiray SYL oo la aasaasay sanadkii 1943-dii, waxa uuna sidoo kale soo noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee shaqaalaha, balse maanta ayuu ku geeriyooday Ingiriiska.

Dr Cabdulqaadir Boolaay ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanay gudaha dalka Ingiriiska.

Waxaana marxuumkaan uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ka haray ururkii SYL, waxa uuna sidoo kale Dr Cabdulqadir Boolaay ahaa qoraa.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW