U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho Iyo Xubnihii Kale Ee Ku Dhaawacmay Qaraxii Shalay Oo Loo Qaadayo Dalka Dibaddiisa

Sheeko:Dalka

Saacadaha soo aaddan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga qaado dhaawaca guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale, kuwaa oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta dowladda hoose.

Diyaarad gaar ah ayaa saakay soo gaartay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in ay dhaawacyadan dibadda loo qaaddo.

Duqa Muqdisho ayaa Labo jeer qaliin galay xalay, wuxuuna dhaawaciisa u badan yahay dhanka caloosha, iyadoo lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey guddoomiyeyaal degmo iyo mas’uuliyiin maamulka gobolka Banaadir ka tirsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News