Duqa Muqdisho oo Wasaaradda Caafimaadka ku Tilmaamay Xaasid Maseyrsan

Cabdiraxmaan Yariisow, duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka jawaabayey buug caafimaad oo ay soo saaratay wasaaradda caafimaadka ayaa ku tilmaamay mid ay ma muuqato maseyr iyo xaasidnimo. Mr. Yariisow oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri

”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri

“Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta goor sii horeysay Soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso iney dhameystirka buug caafimaad, oo qalabkii iyo shaqaalihii ay diyaarisay, Arrintan oo u cuntami weysay gobolka Banaadi.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW