U bood dhigaalka

Ehellada iyo Shaqaalaha Zamzam oo Goobjoog Uga Warramay Xasuuqa Gololey

Sheeko:Dalka

Meydadka illaa 8 ruux oo u badan dhalinyaro, kana shaqeynayey MCH ay leedahay hay’ada Zamsam ayaa maalin kadib markii la afduubtay waxaa khamiistii meydkooda la soo dhigay deegaanka Gololey ee bariga Xamar.

Nimco Cabdullhi Xuseen oo la dhalatay marxuum Cabdirisaq Cabdullhi Xuseen oo ka tirsan dhalinyarada la xasuuqay ayaa Goobjoog News u sheegtay in dhalinyarada la watay goobta shaqada isla markaana loo dilay si arxan darro ah iyada oo isweydiisay sababta loo la’yahay cidda falkaasi ka dambeysay.

Dhankeeda, Safiya Cali Bashiir oo ka mid ah umulisooyinka MCH-ka, Goobjoogna ka aheyd xilliga dhalinyarada la afduubanayey oo la hadashay Goobjoog News ayaa tiri “ Waxaa noo yimid 3 nin oo qoryo sida, iyo kuwa la socday, ku labisnaa tuutaha, maro baati ah oo calanka ah dowladda ah ayaa garabta ugu duubnaa, dhalinyaro 8sideed ah ayey qabteen kadib innaga oo 3 umuliso ah ayey noo yimdeen, shaatiga shaqada ayey indhaha nooga xireen, waxayna naga qaateen telefoonada halka wiilashadana ay dhaheen gacmaha isqabsada, dhinac dhicac u socda, waxayna la adeen dhanka beeraha, waana meesha ay soo dhigeen meydkooda maalin kadib”.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Da’uud cirro oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay iney baaris wadaan isaga oo eedda dusha ka saaray, sheegayna iney falkaas ka dambeeyeen Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa falkaas u aqoonsatay xasuuq iyada oo tiri “Dowladdu waxay amartay in baaris dag dag ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo oo cadaaladda la horkeeno”.

Goobjoog News