U bood dhigaalka

Eng Axmed Macallin: Goob aan Amni Ahayn Doorasho Qof iyo Cod Ah Kama Dhici Karto

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Axmed Macallin Cali oo ka mid aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada Koonfureed islamarkaana Goobjoog ugu warrmaya qadka Skyp-ka ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay in xilligan dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod taas oo wali ku adkeysanayo dowladda federaalka ah.

Eng Axmed Macallin ayaa ugu horeyn carabka ku dhuftay in deegaannada Koonfureed ay wali ku xooggan Al shabaab islamarkaana aysan suura gal ahayn in waqtigan dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah “Arrintan mid dhici karta ma ahn sababa jiro awgood oo dadka oo dhan ay wada ogyihiin deegaannada Koonfurta wali waxaa ka taliya Al shabaab inta badan amnigii baan gacan ku jirin sidaa daraadeed goob aan amni ahay doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto”.

Sidoo kale aqoonyahankan oo sii hadlayay ayaa sheegay inaysa jirin shacab la diiwaan geliyay si ay uga qeyb noqdaan doorashada, waxa uuna intaas ku daray in xilligan aysan suura gal ahayn in tirakoob la sameeyo maadaama waqti kooban ay ka harsan tahay muddo xil heynta madaxweynaha dalka.

“Waxaa kaloo meesha yadana jirin diiwaan gelin oo shacab la diiwaan geliyay waddankan maanta Soomaaliya oo aan la qaban suura galna ahayn waqtiga haray oo kooban ee ay ka dhiman tahay muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaankaba oo doorasho oo muxuu ahaa tirakoob intaas shacab Soomaaliyeed lagu sameeyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Eng Axmed Macallin.

Dhanka kale Eng Axmed ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya aan laga gaarin heshiis dhab ah isaga oo intaas ku daray in sidoo kale dalka uusan lahayn axsaab siyaasadeed oo qaran ah waxa uuna kuwa hadda diiwaan gashay ku tilmaamay inay furteen shaqsiyaad u dhaqmaya sida milkiilayaasha oo kale.

“Runtii heshiis siyaasadeed oo dhab ah ee maanta wadankan laga gaaray ma jirto xisbiyo qaran oo uu maanta waddankan leeyahay malahan, xisbiyada sidaad ogtahay shaqsiyaad baa furtay waa milkiilayaal iyaga ay leeyihiin nin dukaankiisa u furanyahay oo kale ayey iska tahay marka caqabahaas badan waa ay jiraan” ayuu yiri Axmed Macallin.

Aqoonyahan ayaa xusay inay jiraan daruufo ku gadaaman in shacabka ay soo doortaan qof leh karti hoggaamineed “Dadka loo baahanyahay inay dalkan samatabixiyaan waxaa looga baahanyahay tayo, aqoon iyo nin hogaagmin kara bulshada uu matalo in la helo dad leh tayadaas waxa ay ahayd inay shacabka soo doortaan hayeeshee daruufaha ku gadaaman awgood ayaan suuragal u ahayn”.

Guddiga madaxbannaa ee doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa in 27-ka bishan ay ku dhawaaqaan nuuca doorasho ee uu dalka geli doono iayada oo madaxda dalkana ay horey shacabka ugu sheegeen inay qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod waxaana xusid mudan in dowladda dhexe aysan amniga dalka si buuxda gacanta ugu heyn oo degmooyin muhiim ah ay gacanta ugu jiraan dagaalamyaasha Al shabaab.

Halkan ka daawo wareysiga oo dhameystiran

Goobjoog News