U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Abaaraha iyo Madax Ka Socotay UNHCR oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arriimaha Abaaraha iyo gurmadka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay madax ka socotay hey’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR, waxaana ay kawada hadleen arrimo dhowra oo la xiriira Qoxootiga Soomaaliya.

Maxamad Abdi Afeey oo ah Ergeyga Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR u qaabilsan GEESKA Afrika, oo uu wehliyo Magatte Guisse oo ah madaxa UNHCR Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey hawsha baaxada ee ay UNHCR ka wado arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha iyo gurmadka abaaraha.

Dhiniciisa ayuu Ergeygu warbixin ka siiyey Afey hawlaha hortebinta u leh xafiiska Ergeyga, isagoo hoosta ka xariiqay ahmiyada uu Madaxweynaha siinayo gurmadka abaaraha iyo xal u helidda Qaxootiga iyo barakacayaasha ah, kuwaas oo ay ku saamaysay gudaha dalka ee ku sugan xeryaha Barakacayaasha.

Goobjoog News