U bood dhigaalka

Ergayga Gurmadka Abaaraha oo Ka Mahaceliyey Deeq Ka Timid Dowladda Qatar

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, . Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey lana gaarsiiyay dadkii loogu talo galay.

Ergayga, ayaa shalay ku baaqay in la fududeeyo, haddii ay jiraan caqabado dowladda dhexdeeda ah ama shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ku hor gudban deeqaha ka imaanaya dibadda , xilligaan oo dadku ay wajahayaan xaalad nololeed oo ka dhalatay abaarta baahsan.

Ergayga ayaa u mahad-celiyay, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo hawshaas gacan ka gaysatay, kuna sugneybd goobta lagu wareejiyay Gargaarka, Cabdiraxmaan ayaa dhowaan la kulmay safiirka dowladda Qatar.