U bood dhigaalka

Ergeyga Arrimaha Abaaraha oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Baydhabo Ku Tagay

Sheeko:Dalka
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha mudane . Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay gudaha dalka ku gaaray maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay tan iyo markii xilkaas loo igmaday
Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula, waxaana
U-jeedka socdaalka ergeyga iyo ku xigeenla Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, uu  ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo.
Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ku soo barakaceen dadka ugu badan ee ay xoolihii iyo beerihii noloshoodu ku tiirsanayd abaaruhu waxyeeleeyeen. Ergeyga ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.
Goobjoog News