U bood dhigaalka

Ergeyga Arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo Wasiirka Qorsheynta oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta arrimo shaqo oo la xariira xaaladda Gurmadka Abaaraha ee dalka ku tagay Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka. Mudane Jamaal iyo dhammaan howlwadeenada Wasaarada ayaa looga hadlay Abaaraha iyo xaaladdaha bani-aadannimo ee uu dalka waajahayo iyo sidii looga hortegi lahaa inta aysan isku baddelin macluul.

Ergeyga gaarka ah arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo hoggaanka wasaaradda waxa ay is barbar dhigeen qoraallo, iyaga oo sidoo kale ka doodday dhowr mowduuc oo la xariira arrimaha xalka waara iyo ka qaybgalka deeq-bixiyayaasha ee laga sugayo gurmadyada la gaarsiinayo dadka Abaaraysan.

Ugu danbeyn, Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa ka qaatay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo dhammaan howlwadeenada istaraatiijooyin jiray oo ay ku jiraan DINA, RRF iyo Istaraatiijiyada xalka waara oo in muddo ah ay Wasaaraddu soo waday.

Goobjoog News