U bood dhigaalka

Faah Faahin: Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Far-libaax Ee Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka saakay laga helaayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Farlibaax oo 45km u jira magaalada Baledwene ay la wareegeen dagaaalamayaal  ka tirsan xarakada tirsan Al-shabab, kuwaas oo weerar ku soo qaaday degaanka.

Dagaal kooban oo ku dhexmaray kooxo hubeysan oo deegaanka ah oo loo yaqaano  Macawisley iyo Al-shabaab ayaa waxaa u suuragashay in Al-shaab ay gudaha u  galaan deegaanka, sidoo kale kooxihii Macawislaydii  ayaana iskaga baxay.

Sidoo kale wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegayo in deegaanka hadda lagu arkay meydadadka Sadddex ruux waxaana hadda deegaanka ka jiro xaalad kacsanaan ah madaama Labada dhican ay ka joogaan duleedyada deegaanka, waxaana saacad waliba la filan karaa inuu dagaal dhexmaro Labada dhinac.

Deegaanka Farlibaax oo 45 km u jira magaalada B/weyne gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gacanta ciidamada dowladda iyo kooxaha Macawislayda ku jirtay muddo Lix Sano ku dhow, dowladda ayaana ciidamadi  u wareejisay dowladda dowlad gobaleedka Galmudug, intaasi wixii ka danbeeyey waxaa gacanta ku haayey deegaanka ciidamada Macawisleyda oo dowladda federaalka ay horey u sheegtay in la qarameynayo.

Goobjoog News