Faah Faahin: Ciidanka DFS Iyo Kuwo Maraykan Ah Oo Weerar Ka Fuliyay Sh/hoose (Dhageyso)

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwo la sheegay iney Maraykan ahaayeen ayaa weerar ku qaadey deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in marka hore ay diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana halkaa ku daatay kadib ciidanka xoogga dalka oo dagaal toos ah la galay Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkan, balse ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka ayaa waayadan dambe wadey howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW