U bood dhigaalka

Faah faahin: Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu diley mid kamid ah nabadoonnada ugu caansan.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in xaafadda New Boosaaso ay ku dileen Allaha u naxariistee Nabadoon Cismaan Axmed Askar oo aad looga yaqaannay deegaannada Puntland.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, waxaa goobta isaga baxsaday raggii diley Nabadoonka, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaanno sameeyey.

Lama oga illaa iyo hadda cidda ka dambeysay dilka Nabadoon Askar, waxayna saraakiisha ammaanka Boosaaso sheegeen iney wadaan baaritaanno.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmihii dambe ahaa mid soo hagaagayey, iyadoo ciidamada ammaanka wadeen howlgallo joogta ah.

Goobjoog News