U bood dhigaalka

Faahfaahin: 3 Wasiir oo Ku Dhaawacmay Qaraxa Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaara kala duwan.

sida ay innoo xaqiijiyeen dad mas,uuliyiin ah qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaas oo kala ah wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka Haweenka, waxaana la tilmaamay in mas,uuliiintaan ay soo gaareen dhaawacyo fud fud.

Dhinaca kale qaraxa ayaa geystay bur-bur hantiyadeed iyadoona ay baa ba,een dhamaan dhismayaashii ku yaallay goobta lagu weeraray Qaraxa. waxaa burburay xarrumo ay ka mid yihiin warbaahinno maxali ah, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle.

jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo intooda badan ay sheegtaan Kooxda Al Shabaab.

Goobjoog News