U bood dhigaalka

Faahfaahin: Biyo-Baxa Webi Shabeelle oo Ka Adkaaday Baladweyne, Xaafado Badan oo Go’doonsan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in webiga biyaha ay soo galeen inta badan magaalada iyaga oo go’doomiyey xaafado badan.

Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyne waxaa uu sheegayaa in biyaha ay guud ahaan go’doomiyeen xaafadaha Buundaweyn iyo Hawl-wadaag halka Xaawo Taako iyo Kooshin ay soo galeen balse dad ay ka qaxeen.

Dadka ayaa u qaxay duleedka magaalada waxaana la filayaa inay wajahaan dhibaato bani’aaddanimo maadaama ay guryahoodii iyo dhammaan wixii ay haysteen ka tageen.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay maamulka Hiiraan ay horey u sheegeen iney ka adkaadeen biyo-baxa webiga isla markaana ay dadaallo badan sameeyeen.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlayay 10-kii bishan soo dhoweynta madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay ka adkaadeen biyaha taasi oo u muuqata inay been noqotay.

Guddoomiye Jeyte oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Annaga waxaan sameysay raaca 1-aad, raaca 2-aad, raaca 3-aad iyo raaca 4-aad kali kali ayaan ka dhignay  biyo hal xabo aan ku soo fashilanay waa qooqani, wey naga soo adkaadeen kii 2-aad waa hortaagannahay kii saddexaad waa kaas waa noo fiyowyahay waa sidiisii, kii 4-aad oo ay saakay injineerka soo dhigeen cidina ma gaarin, biyo horta sidaas ayaan uga adkaanay”

Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay.

Sanadkasta wabiga Shabeelle ayaa ku fataha meelaha uu ka maro goballada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay uu khasaaro xoggan ka geytay goballadaasi.

Goobjoog News