U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Dad isku Qoys Ahaa oo Ay Biriq Ku Dishay Duleedka Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya dad isku qoys ahaa oo ay biriq ku dishay deegaan duleedka ka ah magaalada Dhuusamareeb ka dib markii halkaasi saacadihii la soo dhaafay ay ka da’ayeen roobab xooggan.

Qoyaskaan oo ka koobnaa 5 qof ayaa lagu soo waramayaa in 4 ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii ay haleeshay biriq, waxaana sidoo kale la tilmaamayaa inay jiraan dhaawcyo ka dhashay biriqdaasi ku dhacday deegaan lagu magacaabo Innamid oo qiyaastii 35 KM dhanka kaga began caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wali ma jirto masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo gaaray halka ay dhibaatadu ka dhacday iyo cid ka hadashay dhacdadaasi waxaana cabsi xooggan ay soo foodsaartay dadka reer guuraaga ah ee deegaankaasi ku sugan.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ka da’ayay roobab mahiigaan kuwaas oo dadku ay ku diirsadeen wallow ay roobabku mararka qaarkood ay geytaan waxyeelo sidaan oo kale ah waxaana haatan lagu guda jiraa xilli roobaadkii gu’ga.

Goobjoog News