U bood dhigaalka

Faarax Cabdi: Masiirka Reer Jubbaland Ma Ahan Wax Nairobi Lagu Go’aamiyo

Sheeko:Dalka

Faarax Cabdi Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Jubbaland islamarkaana wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii isbadal doonka ahayd waxa uuna heshiiskaasi ku tilmaamay inuusan wax natiijo ah u lahayn umadda reer Juubaland.

Siyaasigaan ayaa tilmaamay in masiirka reer Jubbaladn aan lagu go’aamin Karin magaalada Nairobi isaga oo yiri “ Masiirka reer Jubbaland ma ahan wax Nairobi lagu go’aamiyo ama dano siyaasadeed oo dowlado kale ay leeyihiin lagu go’aamiyo waa heshiis aan wax macno ah ku fadhin oo aan waxba soo kordhinayn shacabka reer Jubbaland mar walba wax ay raadinayaan nabad iyo in culeyska laga dul qaado”.

Sidoo kale Siyaasi Faarax cabdi ayaa wax uu ka dhawaajiyay in heshiiskaasi uu u arko mid ay ku heshiiyeen dad isku qoys ah islamarkaana uu ka war sugayo goorta la heshiin doonaan ummadda reer Jubbaladn iyo dowladda Soomaaliya.

“Anigu waxaan u arkaa halkaas dad ilmo adeer ah oo qoys ah oo heshiiyay qoyskaas heshiiyana waxay bilaaw u noqon karaan iyagu markey danahooda soo xalistaan ummadda kale ee Soomaaliyeed iyo dowladda in haddii uu caqliga uu shaqeynayo ay noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale siyaasigan ayaa carabka ku dhuftay in muddadii uu Jubbaland ka talinayay Axmed Madoobe uu dhib iyo culeys ku hayay maamulkaasi isaga oo sheegay in xalku uu haatan ku jiro dadka reer Jubbaland ay doorkooda qaataan.

“sideen ilaa sagaal sanno ayuu Axmed ka talinayay Jubbaladn culeys iyo dhib waxaan ahayn oo ay Jubbaland ka faa’iidday ma jirto marka xalka wuxuu ku jiraa dadka reer Jubbaland inay doorkooda qaataan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay siyaasi Faarax Cabdi.

23-kii bishaan ayey ahayd markii ay soo saareen siyaasiyiinta Jubbaland ee kala ah madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnihii isbadal doonka Jubbaland ee Xiddig iyo Seeraar inay heshiiyeen islamarkaana ay u tanaasuleen madaxweyne Axmed Madoobe heshiiskaas oo ay soo dhoweysay beesha caalamka.

Halkaan ka daawo wareysiga

Goobjoog News