FACT CHECK: Nabad iyo Nolol Iney Ka Beensheegto Hannaanka Deyn Cafinta, Qof Walbaa filayey!

Ugu horreyn, ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo xalay la hadlay saxaafadda waxaa uu ku faanay in maamulkoodu uu gaaray guusha deyn cafinta, mid cusubna qaadan karaan taas oo l barbardhigay xuriyaddii isaga oo yiri “ Haddii dal walba oo dariska lagu leeyahay balaayiin dolar, innagana maanta aan taaganahay  inaan wax walbo nadiif ka noqonay “! Dhankiisa wasiirkiisa maaliyadda Beyle uu maanta ka gabyey deyn cafin waxaa uu sheegay in lasoo gabagabeeyey!

Inta aan u gelin qormadan,  waxaa muhiim ah in akhrisataha ogaado in aanan marnaba yareysaneyn shakhsi ahaan  iyo hey’ad ahaanba heerka uu dalkeenna ka gaaray deyn cafinta laakin Xasan Kheyre oo carabka ku adkeeyey in “Soomaalida ku kalsoonaadaan madaxdooda“, waxaa uu  kaa qariyey 3 xaqiiq:

(1). In hannaanka deyn cafinta uu socday 8 sano, siina socon doono intaas oo kale !

(2). Deyntii lama cafin, ee waa nusqaantay, oo waxa la magay lacagtii ay nagu lahaayeen IMF, World Bank iyo AfDB oo ka mid ah US$ 5.2 Billion oo dolar ee Soomaaliya lagu lahaa!

(3). Deynta ay Soomaaliya qaadan karto waa Kumeelgaar oo imtixaanno kale ayaa u dhimman oo ugu yaraan 3 sano qaadanaya halka aanu jirin dal daris nala ah oo xaaladdaas abid soo maray!

Haddaba,  Halkan Hoose Ka Akhriso 5 Su’aal oo  Jawaabo u Baahan:

Maxay Tahay Deynta La Cafiyey?

Bixinta “arrears” waa tallaabada 1-aad ee deyn cafinta, taasi oo ah in la tirtiro lacagaha ay Soomaaliya ku lahaayeen hey’adaha lacagta, tusaale ahaan IMF oo Soomaaliya ku laheyd ilaa US$334 million, waxaa qeybsaday ilaa 100 dal, World Bank oo Soomaaliya ku lahaa $366 milyan waxaa ka magtay Norway halka African Development Bank oo kulahaa Soomaaliya $122 million ay bixiyeen UK iyo midowga Yurub!

Sidee Loo Gaaray “Decision Point”?

Arrinta ah gaarista “Decision Point” waa dadaal soo socday sida aan sheegnay 8 sano, oo kasoo bilowday  dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh iyo dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka IMF, oo weliba la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Decision Point, micnaheeduna waa in aan deyn kumeelgaar ah ka qaadan isla hey’adihii hadda uun deyntooda la magay ee IMF, World Bank iyo AfDB.

Sidee Lagu Gaarayaa “Completion Point”?

Tallaabada xigta waa “Completion Point” oo socon doonta ilaa saddex sano, waa imtixaanno cusub, waxaa Soomaaliya laga rabaa iney dhinto faqriga iyo dadka saboolka ah, oo ay la timaado barnaamijyo kor u qaadaya nolosha muwaadinka, waa hannaan kale oo adag, oo ay muhiim tahay dhakhli uruurinta iyo isla xisaabtan la kordhiyo iyada oo dalka la sii qaameyn.

Deyn Kale Miyaa Nagu Hartey?

Deynta hadda la magay sida aan sheegnay waa deyntii  IMF, World Bank iyo AfDB, waxaa Soomaaliya ku haray in ka badan 4 Bilyan oo ay ku leeyihiin labada naadi ee Paris Club, None-Paris Club iyo hey’ado kale, waxaa kale oo anaey dowladda sheegin halkee la geeyey deyntii ay nagu lahaayeen hey’adaha: Arab Monetary fund, OFID-OPEC fund for Inter Dev, Nigeria Trust fund, Islamic Dev Bank iyo qaar kale.

Paris Club:  Waxaa deyn nagu leh dalalka Denmark(2), France(484), Italy(600), Japan(96), Holland(6), Norway(2), Spain(40), UK(81), USA(1004) iyo Ruushka(148).

None-Paris Club: Waxaa deyn nagu leh dalalka Algeria(2), Bulgaria(11), Ciraq(58), Kuwait(171), Libya(5), Romania(3), Sacuudiga(109), Serbia(2) iyo Imaaraadka(256).

Haddaba waxaa adag in xal loo helo dalalka dambe None-Paris Club laakin kooxda hore waxaa lagu wadaa in deynta Soomaaliya ay ka shiraan March 31 iyada oo la filayo in war fiican sheegaan, lagana yaabo in 50% ay cafiyaan waa haddii loo magayo inta kale waqtiga ay Soomaaliya qabsato iney ku bixineyso sanadaha soo socda.

Ka Waran Haddii Deyn Kale Qaataan?

Mar haddii la ogolaaday in Soomaaliya qaadan karto deyn kmg ah, khubaro dhaqaalaha waxay ka cabsi qabaan in maamulka hadda jira ee Farmaajo oo ay doorasho ku soo socota, iyaga oo ka faa’ideysanaya xamaasadda deyn cafinta ee ay suuqgeeyeen ay qaadaan deyn cusub oo ka badan middii la cafiyey, taasi oo abuuri karta kalsoonni darro kale, sidaa darteed waa in dowladda lala shaqeeyo, sidoo kale isha lagu hayo talaabooyinka ay qaadeyso.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News

Related Articles

9 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW