U bood dhigaalka

Farmaajo: Annagu Ma nihin Keligiis Taliye…. Haddana ummada Soomaaliyeed waa na Taageersan Yihiin

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo  oo sabtidii ka hadlayey ayaa  ku doodey in dowladdiisa aaney kaliigii talis aheyn, isla markaana uu ku yimid rabitaanka umadda.

Farmaajo oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhowr qof oo qas wadayaal ah ma ah iney magac xumo siiyaan askarta, ma ah iney magac xumo siiyaan dowladnimada Soomaaliyeed, oo inta ay soo baxaan, oo jidadka tagaan taayero gubaan, taayeradu micnaheedu waxaa ay tahay joogta dowlad kaligii talis ah, annagu ma nihin keligiis taliye, rabitaankiina ayaan ku nimid, marka aan imaaneyney sida aan noo soo dhoweyseen, waad ogeydeen, markii nala doortay waa na taageerteen”.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sida ummada Soomaaliyeed ay taageersan yihiin dowladdiisa isaga oo yiri “ Haddana ummada Soomaaliyeed waa na taageersan yihiin, maxaa yeelay dowladdan dowlad fiican weeye aan madaxweynaha ka ahay, dowlad nadiif ah weeye, dowlad ammaanda ilaaliso weeye, tuugo aheyn, dowlad cadaaladda ku dadaasho waaye, dowlad aan qabyaalad iyo qabiil aqoon weeye”.

Arrintan ayaa timid kadib markii dibad-bax ballaaran oo maamulkiisa looga soo horjeedo ka dhacay koonfurta Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda ay dileen 2 qof oo rayid ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir