U bood dhigaalka

Farmaajo: In Beesha Caalamka Loo Tago, Lagu Dacweeyo taasi Dumin weeye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo maanta ka hadlayey kulan culimada Soomaaliyeed ah oo ku saabsan amniga iyo dib u heshiisiinta ayaa sheegay sida uu u arko in mucaaradka uu labo yahay, mid wax dhisa iyo mid wax dumiya.

Farmaajo oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhibaatooyinka aan ka qabno waa dhaqan xumo siyaasiyiinta ah ama siyaasadeed oo runtii aan la garaneynin qofkan siyaasiga ah waxaa uu u yaqaano mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin, mucaaradka waa wax wanaagsan, in lagu kala feker duwanaado, qof walba ra’yigiisa soo jeediyo uu ka hadlo ajende, uuna sheego xalka..kaasi mucaarad ma aha”

Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay iney mucaaradka ku dacweynayaan beesha caalamka “Laakin dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano, oo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad, oo la laga hadlo dowladda dhan in la bedelo oo loo beesha caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, mucaarad ma aha, iyada nafteeda waa caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay caado noqotay, mar hadii aan tabar darnaaney”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay ku guuldareystay kasbashada mucaaradkiisa, horay waxaa uu u sheegay inuu albaabkii uu ka soo xiran, isla isagii ayaa leh maanta waxaa ay igu dacweeyeen beesha caalamka.

Goobjoog News