U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Axadda Dambe Ka Degi Doona Hargeysa

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada maamulka Soomaaliland ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa in madaxweynaha Soomaaliya uu tago magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu isla codsigan ka ansixiyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliland maalinta Talaadada ah ee nagu soo aadan.

Wararka ay Goobjoog News helayso ayaa sheegaya in Axadda ay Farmaajo oo uu wehliyo ra’isulwasaaraha Itoobiya ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa imaanaysa todobaad ka dib markii Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmeen Adis ababa iyo seddex maalin ka dib markii uu raali galin bixiyay Farmaajo.

Goobjoog News