U bood dhigaalka

Farmaajo oo Lagu Wado inuu Isniinta Golaha Shacabka Horgeeyo Ra’isul wasaaraha Cusub

Sheeko:Amniga

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in isniinta uu ra’isul wasaaraha magacaaban horgeeyo golaha shacabka ee baarlamanaka si loo anisixyo.

Dhanka kale, ra’isul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa la arkayey saacadihii tagay isaga oo kulamo la leh guddoonka golaha shacabka, qeybo ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirradii xukuumaddii dhacday.

Dadka la socdo xaaladda dalka, waxaa ay dhaqdhaqaaqan ku tilmaameen mid Rooble isku barayo, kalsoonina uga raadsanayo golaha shacabka.

Goobjoog News