U bood dhigaalka

Farmaajo oo u Hoydey Uhuru Kenyatta, Safar Ujeedo Badan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta la sheegayaa inuu magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ugu ambabaxay ka qeybgalka shir ujeedadiisu tahay in 2030-ka meel fiican laga gaaro qorshaha caafimaadka galmada iyo xadididda taranka. Mas’uuliyiinta shirkan ka qeybgalaya ayaa lagu wadaa iney balanqaad ka sameeyaan arrimihii lagu heshiisyey shirkii dadka iyo horumarka ee 1994.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidoo kale shan arrin oo kala ah:  caafimaadka galmada iyo taranka oo qayb ka ah caafimaadka guud, maalgelinta loo baahan yahay in lagu xaqiijiyo dhammaan yoolalka barnaamijka ICPD, kala duwanaanshaha dadka iyo awooda ay u leedahay in lagu dhaqaaqo kobaca dhaqaalaha iyo horumarka joogtada ah, tillaabooyinka lagu soo afjari doono gacan-qaadka ku saleysan jinsiga iyo dhaqamada waxyeelada leh iyo xaquuqda daryeelka caafimaadka galmada iyo taranka iyo arrimo kale.

Warbixinta ururka UNFPA waxaa ku jirta iney jiraan in ka badan 232 million oo doonaya in aaney uur qaadin balse aan isticmaalin waxa looga hortago, maalin walbo waxaa dhinta ilaa 800, weliba  arrimo la daaweyn karo inta uurka lagu sido ama xilliga dhalmada, ilaa 33,000 ayaa lagu qasbaa guurka  halka sanad walbo 4 million loo gudo qaab fircooni ah. Shirkan oo inta badan haweenka lagu awood siinayo, waxaa iska kaashanaya Kenya, Denmark iyo ururka UNFPA

Soomaaliya malahan siyaasad la xiriirta xadiditaanka taranka, caafimaadka galmada iyo arrimo badan oo shirka looga hadlayo, waxaana jooga wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasaaaradda caafimaadka iyo hey’ado kale oo dowladda Soomaaliya uga wakiil ah arrimaha la xiriira qoyska iyo caafimaadka, matali kara, ugana aqoon badan madaxweynaha, ee waa maxay sababta uu madaxweynaha u aaday Kenya?

Tan iyo February 2019 ma fiicneyn xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, Villa Somalia waxaa ay Goobjoog New u sheegtay madaxweyne Farmaajo markii uu tagayey Koonfur Afrika bishii May ee sanadkan inuu diiday marista  Kenya, isaga oo ka degay Tanzania, waxaa kale oo shirarkii ay Soomaalida u tagi jirtay Nairobi loo wareejiyey Adis Ababa, Haddaba, maxaa isbadalay?

Villa Somalia waxaa uu muuqato iney kala hadleyso, isna badashay siyaasadeeda la xiriirta Kenya wixii ka dambeeyey shirkii qaramada midoobey ee New York kolkaas oo xogheyaha qaramada midoobey u sheegay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo wada hadal ku aadan badda.

Mareykanka, Ingiriiska, midowg Yurub iyo Afrika ayaa iyaguna ku cadaadiyey Farmaajo inuu wada hadal la galo Kenyaatta si wada hadal loogu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Shirkan oo 3 maalin socon-doona waxaa lagu wadaa in shir dooceed ah uu dhex maro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo  iyo midka Kenya Uhuru Kenyatta, arrinta ugu muhiimsan ee looga hadlayo waa badda, Kenya ujeedkeeda waa mid cad waana in kiiska laga soo celiyo maxkamadda ICJ.

Goobjoog News