Farqiqa Labada Nidaam Doorasho ee 2020/2021 oo Midna Golaha Wasiirrada ee Jfs Ansixiyeen, Midna Golaha Shacabku Ansixiyeen

HORDHAC

Soomaaliya waxaa helay dib u dhac saameeyay dhammaan haykalkii dawladnimo iyo hannaankii geeddi – socodka hore u marka shacabka.  Siddeed sano (8) ayaa laga joogaa wakhtigii Soomaaliya ay ka baxday ku-meel gaarnimo, konton sanona waxa laga joogaa wakhtigii ugu dambeeyay ee doorasho xor ah oo xalaal ah amma qof iyo cod ah laga qabto dalka. Laga bilaabo sannadkii 1977, dalkan waxaa soo maray marxalado adag oo kala duwan oo dhaawacay midnimodii, isla markaana siyaasad ahaan, nabadgelyo ahaan  iyo dhaqaale ahaanba dib u dhac weyn ku keenay.

Sida la wada ogsoon yahay, Soomaaliya waxay ku taallaa gobolka Bariga Afrika, goobta ugu stratiijiksan. Waxay ka dhexaysaa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waana dalka Africa ugu xeebta dheer ee Ilaahay ku mannaystay kheyraad badan oo kala nooc ah, haddana waa dalka ugu liitaa hore u mar iyo dhaqaale ahaanba, waxaana sal u ah nabadgalyo xumo ay sabab u tahay qabyaalladda iyo kala qoqobid dhul iyo dadba. Waa dalka keli ah ee adduunka Baarlamankiisa qabyaalad lagu soo galo.

Dawladaha jaarka iyo kuwa Bariga Afrika oo dhan waxay dhammaantood ku jiraan tartan hore u marineed, dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Waxaana hortabin u ah kobcinta dhaqaalaha iyo wanaajinta xiriirka debebdda si ay u helaan maalgalin shisheeye. Taas waxay ku kasbadaan xasillooni siyaasadeed  oo ay qorsheyaashooda  hore u marineed ku hirgaliyaan. Bisha July, 2020 waxaa la suuro galinayaa haddii Eebbe Idmo Isbahaysigii Dhaqaale ee Dawladaha Bariga Afrika oo ay ka maqan tahay Soomaaliya, sababtuna ay tahay iyadoo shuruudaha dawladaha ka midka noqonaya Isbahaysiga  lagu xidho ay ugu horrayso xasillooni siyasadeed iyo doorasho xor ah oo xalaal ah oo shacabku wax doorto, si loo helo kalsoonida maalgaliyeyaasha.

Muddo dheer waxaa Soomaaliya lagu hagayay siyaasad fashilan oo ku salaysan 4.5 oo qabyaalad iyo musuq-maasuq la sharciyeeyay lagu maamulo.Taasoo ka reebtay tallaabo kasta oo hore u marineed. Waxaa xaqoodii siyaasadeed, shaqo iyo kii hore u marineed la duudsiyay oo laga hor joogaa dhallinyaradii oo ah mustaqbalkii dalka. Waxa Iyana xuquuqdooda siyaasaddeed aan heli karin haweenkii oo aan Oday dhaqameedyadu waxba u ogolayn.

Nasiib darro nidaamkaas 4.5 oo u gaara Soomaaliya, wuxu ku keenay dhibaato ah in  qabyaaladdii xooggaysato oo dadkii wada deggana ee iskumidka ahaa ay colaad isu qaadaan oo kala fogaadaan, isla markaana wuxu ku keenay dib u dhac weyn oo  kala irdhayeeyay qabaa’ilka waaweyn, jifooyinka hoose  iyo dadkii wada dhashay. Taasi  waxay  sababtay xasilooni la’aan siyaasaddeed, caddaalad  darro iyo nabad gelyo la’aan ragaadisay qaybo badan oo dalka kamid ah. Qaar kamid ah Dawllad Goboleedyadii iyo Dawladdii Dhexe weli kama heshiinin arrimo badan oo masiiri ah. Heshiis la’antaasi waxay siisay argagixisada inay helaan fursad ay weli kusii wataan hawlahooda argagixisonimo iyo inay dhaqaale ku uruursadaan.  Waxaa  haddaba  nasiib darro ah in wakhtigan la joogo ay weli dadka qaar aaminsan yihiin in 4.5 uu  yahay xalka kali ah.

Umadda Soomaaliyeed soddon sannadood oo colaad, burbur bulsho, burbur dhaqaale, barokac iyo qaxootinnimo kaddib, waxay u baahan tahay in dib u dhis dhaba, midayn dhaba, hore u mar dhaqaalle iyo mid siyaasaddeedba la gaadhsiiyo. Taasina waxaa gaadhsiin karta dawllad ku dhalata doorasho xor ah oo xalaal ah oo xisbiyo ku dhisan, si caalamku u aamino dawllad shacabku soo doortay, isla markaana maalgalin iyo mucaawino hore u marineed loo helo. Sidaynu u wada ogsoonnahay doorashooyinka xorta ahi waxay kalsooni siiyaan maalgashadeyaasha.

Waxaa  haddaba geed ka go’an ah amma aad loogu baahan yahay  in sida ugu muddan, ugu fudud xagga nabad-gelyada, ugu musuq-maasuq yar, uguna kharashyar loo diyaariyo doorasho caddaalad ah oo aan keenin  murug iyo kalsooni xumo midna, Iyadoo awoodda la saarayo inay noqoto mid dadka Soomaaliyeed  ku kalsoon yihiin.  Taas oo  noqon doonta mid loo aayo oo dalka u horseedda  nabad waarta, xasillooni siyaasaddeed  iyo hore u mar   isla makaana, dawladaha jaarka ah iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliyaba kalsooni buuxda galisa.

Waxaa suuroobi la’ inay sii socdaan guulihii siyaasaddeed ee la gaadhay laga bilabo sannadkii 2010 ilaa 2015kii, wakhtigaas oo ay Soomaaliya gaadhay suurto gelinta  doorashooyinkii kala duwanaa, dhisidda dawlad Goboleedyada iyo soo celinta kalsoonida siyaasaddeed ee ummadda Soomaaliyeed intaba. Waxaana curyaamintaas sal u ah nidaamka aan dastuuriga ahayn ee colaad kobciyaha ah ee 4.5 oo dadka rajo la’aan iyo  kalsooni xumo ku riday.

Sannadkii 2012 waxaa lagu heshiiyay in doorashadii 2012 ay ahaato tii ugu dambaysa   ee 4.5 lagu galo, iyadoo loo arkayay xal.  Whakhtigaas waxaa la go’aamiyay in nidaamka “Hal Cod iyo Hal Qof”  wax lagu doorto tartanka iyo doorashada 2016, hase yeeshee, waxaa  jirtay in shirar la galay 2015 lagu goáamiyay in 2016kii la qabto doorasho dadban oo isugu jirtay Oday dhaqameed iyo 50 qof oo cod bixiyeyaal ah.  Sida la wada ogsoon yahay doorashadaasi waxay ahayd tii ugu musuq-maasuqa badnayd ee keentay in reer-reer iyo qoys-qoys loo colloobo, dadna ku dhinteen.  Waxay doorashadaasi abuurtay murug badan iyo iska-hor imaadyo saameeyay gobollada oo dhan.

Nasiib darro waxaa jirta in weli dadka qaarkiis ay ku dhaggan yihiin nidaamka  4.5 ee Odayaasha oo keli ahi wax soo xulayeen, qaar kalena ay rabaan  nidaamkii doorashadii dadbanayd ee 2016. Doorashadaas dadban sida la wada ogsoon yahay waxaa lagu soo diyaariyay Nairobi, waxaana keenay dad aan duruufaha iyo xaaladda amni ee dalka aanay marnaba muhiim u ahayn, laakiin dano kale fushanayay. Waxa iyana  xusid muddan in markale bishii March 6-10, 2020, Nairobi lagu soo hindisay nidaam kale oo doorasho dadban ah oo ku salaysan 4.5 oo 101 codbixiye ay Oday Dhaqameedyo soo xulayaan. Nidamkan oo ay keeneen isla dadkii soo hindisay kii 2016kii  waa mid aad u murugsan oo ku keeni kara dalka amni-darro, colaad iyo jahawareer ka badan kuwii 2016.

Waxaa aad u muhiim ah in la isweydiiyo sidee doorasho Dastuurka  waafaqsan, oo sahlan, isla markaana colaad ka saliim ah, uguna musuq-maasuq yar oo Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha lagu doorto, lagu qaban karaa 2020/2021?

Nidaamyada baraha bulshada lagaga dooddo iyo saamaynta ay ku yeelan karaan mustaqbalka umadda waxay kala yihiin:

  1. Nidaamka Kor u Qaadista Xalaalleynta Doorshada (Enhanced Legitimacy ) amma Doorashada dadban”

Nidaamkan Doorashada Dadban waxay Dawladda Federaalku ku dhawaaqday 28kii bishii Jannaayo, 2016, Iyadoo fulinaysa go’aankii “Muqdishu Declaration” ee 16kii Diisambar, 2015 oo Madashii Qaranku ku go’aamiyeen in doorashadii  2016 ay noqoto  mid lagu fuliyo nidaamkaa loo bixiyay Doorashada Dadban. Nidamkaasi wuxuu ku salaysnaa in Odayaal Dhaqameed soo qoraan 27,500 oo qof oo xildhibaannada soo kala doorta, waxaana soo baxday in xildhibaanno badan kuraasta loogu iibiyay si musuq-maasuq ah.

Waxaa iyana si weyn uga faa’idaystay nidaamkaas Madax- Dhaqameedyadii  oo ka helay halkaas fursad ay kaga ganacsadaan kuraastii loo tartamayay, iyadoo taasi u noqotay mashruuc dhaqaale. Nidaamkaas waxaa wax dooranayay 27,500 oo la soo xuley.  Madax-dhaqameedyada wax soo xulay waxay ka koobnaayeen 135 nin oo hore loo diiwaangeliyay si ay hawshaas u fuliyaan, hase yeeshee tiro kooban ayaa ahayd Salaadiin amma Cuqaal dhaba. Waxay badi ahaayeen dad suuqa laga soo qoray oo la yidhi qabiillada tartamaya ayaad masalaysaan.

Nidaamkaa Doorasha Dadban wuxu keenay:

  • In Oday dhaqameedyo aan aqoon dawladnimo iyo mid caalami midna aan lahayn ay  Xeer Dajiyeyaashii Qaranka iyagu soo xulaan, iyagoon eegin yaa u qalma iyo yaa wax qaban kara midna, laakiin u arkay  fursad  dhaqaale  oo kali ah;
  • Wuxu nidaamkaasi keenay jahawareer iyo  musuq-maasuq aan xad lahayn;
  • Dib u dhac hore leh iyo qabyaalad sii xoogaysata;
  • Wuxuu nidaamkaasi  keenay in  27,500 codbixiye la kala iibsado oo meelo lagu kala xareeyo,  oo goobahu ay noqdeen sida sayladaha lacagaha;
  • Waxaa  dhacday in jifooyinkii si fudud ugu heshiin waayeen  dadka  noqonaya xildhibaano  oo marar badan xoog iyo ciidan la isu  adeegsaday;
  • Waxaa doorashadaas ka dhacay geeri iyo dhaawacyo intaba;
  • Nidaamkan oo ay qoreen dad aan dhaqanka Soomaaliyeed aqoon u lahayn amma aan xeerinayn, wuxuu noqday mid gundhig u noqday  xasillooni la’aan  iyo fawdo hor leh oo soo wajahday dalka;
  • Wuxu ahaa nidaamka musuq-maasuqa gaarsiyay heerkii ugu sarreeyay;
  1. Nidaamka Metelaadda Kuraasta Baarlamaanka ee Aqlibiyadda ah (Majoritarian System) Oo loo yaqaan Horreeya Guulaysta (First Past The Post-FPTP)

Nidaamkan Metelaadda Kuraasta  Baarlamaanka ee Aqlibiyadda ah (Majoritarian System). Oo loo yaqaan Horreeya Guulaysta (FPTP) waa nidaamkii Baarlamaanka JFS aqlibiyad ku ansixiyay. Wuxuna ku salaysan yahay in  tartan halkii kursiba gaarkiisa loo dooranayo (Single Member Plurality-SMP). Waxaa nidaamkan isticmaala dalalka hore u maray ee Europe iyo dalalka aan dagaalladu ka jirin.  Waa nidaam aan ka shaqayn karin Soomaaliya oo waliba lagu dhex soohay 4.5. Nidaamkani waa nidaam aad u murugsan oo runtii  keeni doona colaadihii dhacay 2016kii kuwo ka xun.

Waa nidaam ka horjeedaa Dastuurka Qaranka, oo aan qabsoomi karin, dalkana halis ku ah,  Sharcigani wuxuu ka horjeedaa  dhammaan Cutubka Labaad ee Dastuurka Jamhuuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (Chapter Two Of the Constitution) qodobadiisa 10, 11, 12, 13, 14, 15, 16, 18, 22 iyo 33; iyo Cutubka  Afraad, qodobka 46.  Dhammaan qodobadaasi waxay si cad u qeexayaan xuquuqda siyaasaddeed, sinnaanta iyo ta bani-aadamnimo ee muwaadinka Soomaaliyeed.

Sharcigan qodobkiisa 12 (3) waxa si cad loogu qeexay in la ilaaliyo hannaankii awood qaybsiga ee hore loogu heshiiyay oo micnaheedu yahay in kursi walba ay leedahay jifodii hore loo siiyay oo ku  salaysan 4.5. Laakiin haddana ay cidwaliba u codaynayso. Waxaa intaas dheer in kuraasta la gayn doono deegaan doorashooyinka  jifooyinka kuraastaasi lihi ay  kasoo jeedaan. Hadii ay haddaba jifo leedahay  kursiga, side loogu wada codaynayaa amma loogu wada heshiin doonaa?

Sharcigani wuxuu u baahanay in kursi kasta yeesho deegaan doorasho (Constituency) laga soo doorto xildhibaan kasta, taasina waxay u baahanaysa waxa loo yaqaanno kala xaddaynta deegaan doorashooyinka (electoral boundary delimitation) oo iyaduna u baahan dariiq dheer, wadatashi, aqoon, kana dhalan karaan khilaafaad  – maadaama dalka loo baahan yahay in loo qaybiyo 275 deegaan doorasho, sidee laysku waafajinayaa juqraafiga iyo qabiilka maadaama nidaamka 4.5 uu kursiga  siinayo qabiil?  Isla markaas, sidee ayaa qabiilkii loogu helayaa deegaan u gaar ah?

W\Q: Xildhibaan Fawzia Yusuf  X. Adam
Guddoomiyaha Isbahaysiga Xisbiyada ee HIIGSI
Iyo Gudoomiyaha Xisbiga NDP

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW