U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe: Rooble Sidii Caydiid Noogu Hiiliyay Ayuu Noogu Hiiliyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCIDd Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay lacag uu fasaxay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taas oo aheyd deeq caalami ah oo horay Somaliland looga xayiray sanadkii 2018, waxaana uu siweyn ugu mahadceliyey Ra’iisulwasaaraha dalka.

Faysal ayaa sheegay in lacagta ay tahay lacag ay laheyd Somaliland oo loosoo marsiiyey dowladda Soomaaliya, waxaana uu susay inuu aad ugu mahadcelinayo ra’iisulwasaaraha, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey in qaaday tallaabo uu ku guuldaraystay Ra’iisulwasaarihii xafiiska uu ka badalaya Xasan Cali Khayre oo aan fasixin.

“Lacagteenii ayauu noosoo daayey, isagu waa mahadsan yahay, qaar kalena waa naga xaniman yihiin, Rooble waxaan kaa codsanayaa kuwa kale inaad soo dayso, lacagtaas waa lagacta hormarka loogu talo galay, Raggii reer Somaliland ee halkaan ka hadlayay, Raggii joojiyay ayey ahaayeen. Qaasatan taarikhdu idin ilobimayso, waana mahadsan yahay, Sidii Caydiid noogu hiiliyey ayuu maantana noogu hiiliyay, Kheyre ma’ uu soo dayn” ayuu yiri .

Faysal ayaa dhanka kale sheegay in dowladdii ka horaysay maamulka Farmaajo  uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud in Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiiyeen inaan la siyaasadeenin deeqaha caalamiga iyo mashaariicda hormarineed, isagoo xusay in heshiiskaas la joojiyay markii uu xafiiska yimid Farmaajo sida uu yiri

” 2013-kii shirkii ugu horeeyay aan ku galnay Istanbuul dowladdii Xasan Sheekh ayaa lagu heshiiyey inaan la siyaasadeyn, wixii macaawino ama maalgalin ah, si toos ah ay cid waliba waxeeda ay u heshaa, annaga ayaa soo jedinay arrintaas, waa ay nala qaateen,  nasiib darro waxaa ay noqotay markii ay dowladdaan ay timid, Farmaajo oo Boorsada sitay ayaa arrintii naga horjoogsaday, xoolihiina waakii damcay inuu naga xiro” ayuu yiri Faysal.

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fasaxo lagac dhan $11,700,000, taas oo la xayiray sanadkii 2018-kii, waxaana fasixitaankaan uu kusoo aaday kadib markii dab baahsan uu ka kacay suuqa wayn ee magaalada Hargaysa, kaas oo ganacsato ku hanti beeshay.

Goobjoog News