U bood dhigaalka

Faysal Rooble: Xilli Maanta Looga Baahi Badan Yahay Majirto inay iskaashadaan Maamullada iyo Madaxda DFS

Sheeko:Dalka

Faysal Cabdi Rooble oo ah mareeye guud ee magaalada Los angales ayaa cod dheer waxa uu ku sheegay in maanta loo baahanyahay in maamullada dalka ka jira iyo madaxda dalka inay iskaashadaan isaga oo tilmaamay inay muhiim tahay in dhinacyadaasi ay isku yimaadaan islamarkaana y heshiiyaan.

Faysal Cabdi oo sii hadlayay ayaa yiri “Xilli maanta looga baahi badan yahay majirto inay iskaashadaan maamullada iyo madaxda Soomaaliyeed waxaan maqlayaay in Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadeen maareynta arrinta ku aaddan Gaalkacyo oo ah magaalo la wadaago arrimahaasi oo kale waa wax aad iyo aad ah loogu farxo federaalka waxaa loo baahanyahay inay gacanta u haatiso maamul goboleedyada”.

Dhanka kale Faysal Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in isku imaatinka madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ay horseed u noqon karto sidii dalka oo idil uu isku raaci lahaa.

“Aaad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faysal Cabdi Rooble.

Faysal Cabdi ayaa si gaara u dul istaagay khilaafka u dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda dhexe isaga oo madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre ugu baaqay inay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii khilaafka labada dhinac xal waara looga gaari lahaa.

Waxa uuna yiri “madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto”.

Mareeye Faysal ayaa ka ahdlay arrinta sida aadka ah la iskula dhexqaadayo ee ah in dowladda federaalka ah ay sameyn doonto muddo kororsi isaga oo sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin villa Soomaaliya inay si lab la kac ah u sameysato muddo kororsi.

Waxa uuna taas badalkeeda tilmaamay inay dan ugu jirto saamileyda siyaasadeed ee dalka inay isku yimaadaan isaga oo yiri “Dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato”.

Waxaa jirta walaac ah in madaxda dalka ay muddo kororsi sameeyaan xilli haatan lala tacaalayo xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Goobjoog News