U bood dhigaalka

Gabadh Da’ Yar Ah Oo Muqdisho Lagu Bireeyay

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka helayno xaafadda Haanta dheer ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku waramayaan in xafaddasi maanta lagu bireeyay gabadh da’ yar ahayd.

Gabadha la bireeyay ayaa da’deeda lagu sheegay 12 jir, waxaana bireysay haweeneey ay u shaqeyn jirtay sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Falkan argagaxa leh ayaa yimid ka dib markii muran dhinaca shaqada ah uu soo kala dhex galay gabdha la bireeyay iyo haweeneyda falka geysatay.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxa ayna gacanta ku dhigeen haweeneydii falka geysatay.

Dadka ku dhaqan xaafadda Haanta dheer ayaa aad ula yaaban dhacdadaan maanta ka dhacday xaafadooda, waxa ayna is weydiinayaan waxa haweeneydan ku kalifay in gabadh 12 jir ah ay bireyso.

Goobjoog News