U bood dhigaalka

Galmudug Oo Kala Dhex Gashay Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamay Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inuu xabbad joojin kala dhex dhigay beelo wallaalo ah oo shalay ku dagaalamay deegaan hoos taga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo laguna magacaabo Dhagtuur, iyadoona labada dhinac ay qaateen xabbad joojinta.

Dhinacyada oo dagaalkoodii shalay uu salka ku hayay kufsi, ayaa waxaa ku baxay maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyay.

waxaana si wada jir la iskula qaatay in aan mar kale la daadin dhiig cusub islamarkaana dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii heshiiskaan uu u noqon lahaa mid dhaqan gal ah.

Dagaallada nuucaan ah ayaa si aad ah ugu badan deegaannada maamulka Galmudug waxaana markasta dhinta wiilal Soomaaliyeed oo dalka wax badan u tari lahaa.

Goobjoog News