U bood dhigaalka

Ganacsade Lagu Dilay Suuq Bacaad

Sheeko:Dalka

Koox hubaysan ayaa Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid waxa ay maanta ku dileen nin ganacsade ahaa oo ka mid ahaa dadka Suuqa ku shaqeysta.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Suuq qandalaha, iyadoo aanan la ogeyn sababta loo dilay ninkaasi ganacsadaha ah.

Ragga dilka gaystay oo watay Bistoolado ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen ninkaasi ganacsadaha ahaa ee Suuq bacaad laga garanaayay.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa tagay ciidamada booliska degmada Yaaqshiid, lamana soo sheegin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Goobjoog News