U bood dhigaalka

Garoonka Aden Cadde oo Dhaqdhaqaaq Bilaabey Kadib Hakad Saacado Ahaa

Sheeko:Amniga

Waxaa caadi kusoo noqotay dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Aden Cadde kadib markii ay saaka ku dhacday diyaarad Xamuul aheyd.

Wararka ayaa sheegaya in haatan la fulay garoonka kadib saacado la hakiyey diyaaradaha soo degayey ama duulayey sababo la xiriiray shilka.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacantay, waxaa kale oo khasaaro soo gaartay diyaaradda laga leeyahay dalka Kenya.