U bood dhigaalka

Garoonka Diyaaradaha Baladweyn oo Xirmay, Akhriso Cidda Eedda Leh

Sheeko:War

Waxaa xirmay garoonka diyaaradaha xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyn kadib markii ay roobab halkaasi ka da’een, waxaa kale oo la sheegayaa in ay jirto dayacaad xagga dayactirka ah, waxaana la eedeynayaa dowladda federaalka ah iyo maamulka gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabelle.

Weriyaha Goobjoog News ee gobolka  Hiiraan waxaa uu sheegayaa in hadda aaney garoonka ka socon wax shaqo ah, isla markaana aan xal loo heyn dhibaatadan sida joogtada ah u soo noqnoqota.

Garoonka diyaaradaha Baladweyn waxaa maalintii ka soo degi jiray ilaa 3 diyaarad oo rayid ah iyo diyaarado kale oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ama Hiil-walaal ee goobta ku sugan.

Waxyaabaha uu hadda garoonka rabo si shaqada caadi u noqoto waxaa ka mid ah : Biyo xireen, in la dayactiro jidka diyaaraha ka degtaan, lana adkeeyo oo laami laga dhigo halka uu hadda ka yahey ciid.

Garoonkan oo adeegyo u qabto malaayiin ku nool Hiiraan ayaan weligiis shaqeyn habeen, waxaana aad u liita adeegyada uu qaban jiray xiligii uu shaqeyn jiray.

Dowladda federaalka ah ayaa marar badan balanqaaday iney lacag ku bixineyso dayactirka garoonka,  laakin waa ka baxday, oo hadda waxaa ay xoogga saartay dhismaha garoomada kubada cagta, oo lacago badan ku bixiso.

Dhinaca kale, Ilo ku sugan Baladweyn ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in canshuurta laga qaado Baladweyn oo maalintii ka badan $20,000 ay iska cunaan maamulka , oo laguma fuliyo wax adeeg ah.

Goobjoog News