U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Hormarinayo Muqdisho

Sheeko:Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis ay wada gaareen labada dhinac, kadib kulamo ay yeesheen.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray heshiiis is afgarad ah oo la xariira dib u qaabeynta ilaha dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarrinta magaalada Muqdisho,  maadaama caasimaddu ay tahay mid soo koreysa una baahan maalgashi gudaha ah iyo caalami ah si dib loogu dhiso kaabayaasheeda.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo xubnaha kala duwan ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Heshiiska u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli dhowaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu booqasho ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, isaga oo kala hadlay si loo maalgan lahaa caasimadda dalka ee Muqdisho.