U bood dhigaalka

Kooxda Gobolka Banaadir Oo Jaratay Fiinalaha Tartanka Maamul Goboleedyada Markii Ugu Horaysay

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubbadda Cagta Gobolka Banaadir ayaa gaartay fiinalaha tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxayna xidigaha Gobolka ciyaartii Semi-Finalka 3-1 ay kaga badiyeen wiilasha Koonfur Galbeed oo hogaamiyo Macallin Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gidaamow).

Kulanka ayaa waxaa u soo daawasho tagay in ka abdan 50,000 tageerayaal,waxaana sidoo kale taageerayaal fara badan oo aan nasiib u helin in ay gudaha u galaan garoonka kubbadda cagta Eng.Yariisow,waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku qaateen kooxda marti geliyaasha ee Gobolka Banaadir.

“Waan ku faraxsanahay taariikhda aan samaynay,waxaan u Mahad celinaynaa Maamul Gobolka Banaadir oo kaalin wanaagsan ku qaatay guushan muhiimka ah,sidoo kale waxaan u mahad celinaynaynaa taageerayasheena meel walbo ay joogaan” waxaa sidaas Goobjoog Sport u sheegay tababaraha kooxda kubbadda cagta Gobolka Banaadir Daadir Amiin Cali.

Taariikhda waa markii ugu horeesayay kooxda Gobolka Banaadir soo gaartay fiinalaha tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada,waxaana sanadkan kama dambeysta la soo tiigsaday ciyaartooyda Galmudug,iyagoo labada koox kasoo wada badany Group A.

Si kastaba tartanka iskaga haray kooxaha,Jubaland,Puntland oo labo sano soo gaaray heerka ugu dambeeya tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale raacay kooxaha Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle