U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Guddiyada Amniga iyo Difaaca Oo Warbixin Laga Sugayo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa guddiyada amniga iyo difaaca faray iney warbixin ka soo diyaariyaan kulankii shalay uu golaha la yeeshay hey’adaha amniga.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay arrin wanaagsan aheyd in hey’adaha amniga horyimaadaan golaha shacabka iyaga oo intaasi raaciyey in inta badan aan lagu qancin xogaha ay bixiyeen.

Su’aalo la xiriiray sababta ay ciidamada xoogga dalka uga soo baxeen goobaha ay joogeen, taliyahooda waxaa uu ku jawaabey iney taktiko tahay.

Jidadka Muqdisho ee la xirayo, taliyaha booliiska jawaab fiican kama bixin, inta badan su’aalaha la xiriiray booliiska, Xildhibaannada waxaa ay sheegeen iney aheyd in loo waco Saadaq John.

Isla jidadka Ku-simaha NISA waxaa uu sheegay in go’aanka ay leeyihiin golaha amniga, isaga oo su’aalo badan ka gaabsan, codsadana in uu heer guddi ugu jawaabo.

Waxaa kale oo jawaab waafi ka bixin waayey su’aalo la xiriiray sababta ay shirarka uga mamnuuceen Hoteelada Muqdisho.

Dadka ay dileen ciidamada waxaa la sheegay in gacanta lagu haayo halka dhacdadii ugu dambeysay uu jiro damiin.

Goobjoog News