U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed

Sheeko:Dalka
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey  Golaha Hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed.
Codbixinta golaha ka dhacdau waxaa ogolaaday  139 Mudane , waxaana diiday  2, wax ka aamusay ma jirin sida la soo werinayo.
Dhanka Kale Mudanayasha Ayaa Ka Doodaya:
1-Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed
2-Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed
3-Qeybinta Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey
Kulanka Ayaa Waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Koowaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey
Goobjoog News