U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyay hindise sharciyeedka hubka wax dila

Sheeko:War
RW ku xigeenka Soomaaliya, Ridwaan  Xirsi Maxamed  oo shir guddoominaya wasiirada
RW ku xigeenka Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir guddoominaya wasiirada

Golaha wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gaareen go’aan muhiim ah kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan  Xirsi Maxamed ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, waxaana sidoo kale lagu meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli  ayaa kulanka kadib Saxaafadda la hadlay, waxa uu faah faahin ka bixiyay wixii ay isla garteen wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.