U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Dib U Soo Celinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka

Sheeko:Dalka

Shirka ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda dan-qaran ayaa waxaa lagu ansixiyay dhismaha iyo maamulka hey’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya, oo la hirgeliyay, kadib markii meesha laga saaray wasaaradda gargaarka iyo maareynta oo la hoos geeyay xafiiska ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha oo ka hadalay madasha shirka ayaa sheegay in markii ugu horeysay la magacaabay wasaaradda Bey’ada iyo isbedelka cimilada, taas oo uu sheegay in u jeedka laga leeyahay ay tahay in mustaqbalka laga hortago in ay dhacdo musiibo iyadoo aan loo diyaarsaneyn,  sida abaaraha iyo duufaannada.

“Waxaa la ansixiyay, dib u howlgelinta hey’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa la ansixiyay maamulkii hey’addaas, hey’adda maamulka iyo maameynta musiibooyinka, waa hey’ad sharci ah, oo xil saaran  fulinta gurmadka abaaraha, ayuu yiri ra’iisulwasaaraha oo ka hadlayay dib u howlgelinteeda

Ra’iisulwasaaraha ayaa dhanka kale ka hadlay sababata keentay in xilligaan la magacaabo oo xukuumaddiisu uu kusoo daro wasaaradda Bey’ada iyo isbedelka cimilada, taas oo ah wasaarad aan horay u jirin, waxaana uu sheegay in looga gol leeyahay in mustaqbalka loo diyaargaroobo musiibooyinka dhaca oo abaartu ku jiro.

“Waxaa markii ugu horeysay la magacaabay wasaaradda Bey’ada iyo isbelka cimiladda,  si mustaqbalka looga hortago in ay dhacdo musiibo, sida abaaraha iyo waxa la midka ah” ayuu yiri ra’iisulwasaaraha oo ka hadlayay sababta loo magacaabay wasaaradda Bey’ada iyo bedelka cimillada oo xukuumadda  lagu daray.

Dib u howlgelinta hey’addaan   ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo kulan ay golaha wasiirrada ay isugu yimaadeen looga hadlay xaaladda dalka ka jirta ee abaarta iyo sidii looga samatabixi lahaa xilligaan adag oo shacabku ay wajahayaan abaarta baahsan ee dadka iyo duunyada saamaysay ee laga cabsi qabo in ay isku rogto heer macluul ah.

Goobjoog News