U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Xasilinta Caasimadda iyo Deegaannada Al-shabaab Laga Saaray

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi ayaa maanta  guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab ee soo galay gacanta dowladda   iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka u ah bullshada ku nool deegaannadaas.
Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama ay argagixisadu muddo badan cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah, sida waxbarashada caafimaadka iyo hirgelinta goobo waxbarasho.
Xamse Cabdi Barre  ayaa xusay markale in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga laga saaro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa iyadoo Muqdisho uu ka furmay shirka wadatashiga ee Istaraatiijiyadda deegaannada dowladdu la wareegtay.
Goobjoog News