U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Goordhow Lagu Dhawaaqayo,Wax Ka Ogow

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo golaha wasiirrada xukuumaddiisa, kuwaas oo la filayay in la shaaciyo  habeenimadii xalay laakiin dib u dhacay, Xamse ayaa horey10 cisho oo Baarlamaanku siiyay  waxaa uu waday wadatashiyada bulsha ee dhismaha golohiisa.

Golaha wasiirrada ee lagu wado in lasoo  magacaabayo ayaa lagu la filaa  inay kasoo muuqdaan shir jaraa’id oo ay raysal wasaaraha iyo madaxweynuhu ku qabandoonaan xarunta madaxtooyada, halkaas oo goor dhow looga yeerayo bahda saxaafadda. heshiisiinta, waxaa aad loo hadal hayaa in golaha wasiiradda ay kasoo muuqaanoonaan shakhsiyaad horey.

Siyaasiyiinta la Hadal hayo, in Kasoo Muuqdaan golaha wasiirrada waxaa kamid ah:

1: Axmed Macalin Fiqi: Wasiirka wasaaradda (Arrimaha gudaha).

2: Faarax Sheikh Cabdulqaadir: Wasiirka wasaaradda (Waxbarashada)

3:Maxamed Axmed  Cali (Doodishe): Wasiirka wasaaradda (Amniga)

4:C/rasaq Maxamed Cumar: Wasiirka wasaaradda (Batroolka iyo macdanta).

5:Mukhtar Robow Abuu Mansuur-  Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aqwaafta.

6:Da’ud Aweys – Jareerweyne  Wasiirka wasaaradda (Warfaafinta)

7:Abshir Cumar Haruuse: Wasiirka wasaaradda Arrimaha (Dibadda.)

8:Cilmi Maxamed Nuur:  Wasiirka wasaaradda (Maaliyadda).

Goobjoog News